Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamad Maxamuud ayaa ka warbixiyay gunaanadka dhageysiga dacwadda badda ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Kenya ee Maxkamadda Caddaalada Dunida ( ICJ ) ay Shalay soo gabagabaysay.
Dhageysiga dacwadda badda ayaa Galinkii danbe ee shalay lagu soo geba gebeeyay Xarunta Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda ee magaalada Hague.
Dhegeysiga oo billowday 15-kii bishaan, waxaa Soomaaliya ku matalayay ergo uu horkacayo Ra’iisal Wasaare Ku Xigeenka Soomaaliya, Mahdi Maxamad Guuleed iyo qareenno ajnabi ah.
Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka Soomaaliya Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa sheegay inay Qareenada Soomaalidu Maxkamadda codsiyo u direen ayna rajo wanaagsan ka qabaan go’aanka ay soo saari doonto.
Kenya waa ay ka maqnaatay dhageysigan, mana jeedin dacwaddeeda afka ah inkastoo ay hore u soo gudbisay iyada oo qoraal ah.
Dacwaddani waxay billaabatay 2014-kii waxayna soo martay marxalado kala duwan.
Waxaa la filayaa in go’aanka Maxkamaddu uu qaato dhowr bilood sida uu sheegay danjire Yusuf Garaad Axmad oo horaan soo noqday tifaftiraha laanta afka soomaaliga ee BBC-da islamarkaana ka mid ah Wafdiga dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Hague.