Dableey in ka badan 13 boolis ah ku dhishay Mexico

0
433

Ugu yaraan 13 sarkaal oo boolis ah ayaa lagu soo warramayaa in ay ku dhinteen weerar gaadmo ah oo ay rag hubeysan ka gaysteen bartamaha wadanka Mexico.
Falkan ayaa lagu sheegay midkii ugu saameynta badnaa sanadihii ugu dambeeyay marka la eego bartilmaameedsiga ciidamada ammaanka.
Weerarka ayay laamaha ammaanka ee Mexico ku tuhmeen xubnaha koox burcad ah oo shacabka ku dhibaateysa degmada Coatepec Harinas.
Ilaa iyo hadda ma cadda in la dilay ama la dhaawacay raggii falkaas gaystay.