Barasaabka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga kaga tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee wasiirkii maaliyadda iyo qorsheynta howlaha dhaqaale ee dowlad deegaankaas Ibraahim Barrow Xasan.
Roba ayaa sheegay in wasiirka uu aroornimadii hore ee maanta u geeriyooday cudurka COVID-19.
Ibraahim Barrow ayaa wasaaradda maaliyadda ee Mandera hoggaaminayay sideedii sano iyo bar ee ugu dambeysay.
Barasaabka Mandera ayaa mas’uulka geeriyooday ku tilmaamay shakhsi aad u dhaqan wanaagsanaa sidoo kalena dadaal badan ku bixiyay wanaajinta howlaha maareynta maaliyadeed ee Mandera.
Waxaa uu Cali Roba tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta Alle ha u naxariistee Ibraahim Barrow Xasan isagoo ugu duceeyay jannatul firdowsa.
Guddoomiyaha Mandera ayaa farriintiisa ku gabagabeeyay in cudurka COVID-19 uu dhab yahay .
Shacabka ayuu ugu baaqay in ay dowladda ismaamulka garab ku siiyaan la tacaalidda cudurka iyada oo qof kasta uu isa saaraya mas’uuliyad shakhsiyeed sida ay ku talinayso wasaaradda caafimaadka ee dalka.