Baarlamaanka dalka oo ansaxiyay 83 bilyan oo miisaaniyad dheeraad ah

0
532

Xildhibaanada golaha qaran ee xeer dejinta ayaa ansaxiyay miisaaniyad dheeraad oo dhan 83 bilyan oo shilin oo lagu wado in la adeegsado miisaaniyad sanadkeedkan.
Tani ayaa imaanaysa iyada oo uu weli muran ka jiro qaybinta lacagaha loogu talagalay horumarinta deegaannada ee loo yaqaano CDF.
Ka dib markii ay mudanayaasha galinkii hore ee shalay ku kala qaybsameen meel marinta arrinkan ayuu guddoomiyaha baarlamaanka kal-fadhiyada hakiyay muddo 45 daqiiqo ah si wada tashi loo sameeyo.
Qaar ka mid ah xildhibaanada dalka ayaa horay cabasho uga muujiyay in dowladda dhexe aynan soo saarin lacagaha CDF-ta.