Saraakiisha ammaanka ayaa soo helay 13 ka mid ah 17 neef oo geel ah oo ay dhaceen burcadda xoolaha.
Xoolahan ayaa waxa milkiyadeeda lahaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka dalka Francis Ole Kaparo.
Waxaa neefafka Geela habeennimadii Khamiista ee toddoobadkii hore laga xaday magaalada Dol Dol, ee hoos tagta deegaan baarlamaaneedka Waqooyiga Laikipia.
Xoolaha ayay laamaha ammaanka oo kaashanaya dadka deegaanka ka soo heleen tuulada Kipsing oo ka tirsan ismaamulka Isiolo.
Afhayeenkii hore ee baarlamaanka dalka Francis Ole Kaparo ayaa markii falka dhacayay ka maqnaa gurigiisa.
Guddoomiyaha dowladda dhexe ku matala ismaamulka Laikipia, Joseph Kanyiri ayaa sheegay in burcadda xoolaha dhacday iyo laamaha ammaanka ay israsaaseyn dhexmartay ka hor inta aysan tuugada baxsan.
Waxaa uu intaasi ku daray in saraakiisha ammaanka ay xiriir la sameynayaan dhigooda ismaamulka Isiolo si ay u soo badbaadiyaam afarta neef ee Geela ee maqaan, islamarkaana gacanta lagu soo dhigo dembiilayaasha.