Guddoomiyaha baarlamaanka dalka ,Moses Wetangula ayaa xeer dejiyaasha ku boorriyay inay ka baaraan-degaan sidii sanadka 2023-ka ay xoogga u saari lahaayeen meel marinta xeerarka si gaar ah u taabanaya nolosha kenyaanka caadiga ah.
Waxaa uu sheegay in saddexdii bilood ee la soo dhaafay ay xubnaha baarlamaanka iyo aqalka sare si wanaagsan ugu adeegeen qaranka oo laga doonaya inay sanadka soo socdo dadaalkooda sii laba-jibbaaraan.
Guddoomiyaha ayaa tusaale u soo qaatay ansixinta xeerar dhowr ah iyo magacyada shakhsiyaad uu madaxweynaha wadanka William Ruto u soo magacaabay xilalka wasiirrada , xoghayeyaasha iyo xafiisyo kale oo dowladeed.
Waxaa uu mudanayaasha kula taliyay in xilli fasaxeedkan ay isdhexgal la sameeyaan codbixiyeyaasha si ay u ogaadaan waxyaabaha ay daneynayaan dadka ku nool deegaan baarlamaneedyada.
Moses Wetangula ayaa dhanka kale shacabka iyo saamileyda siyaasadeed uga mahadceliyay inay nabadda ku dadaaleen xilligii doorashada .
Waxaa uu si khaas ah u bogaadiyay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC, Wafula Chebukati .
Guddoomiyaha golaha qaran ee xeer dejinta ayaa dadweynaha ugu baaqay inay sii wadaan ka shaqeynta nabadgalyada wuxuuna gaadiidleyda ka codsaday inay aad u taxadaraan.