Maamulka Taalibaan ee dalka Afghanistan ayaa soo saaray amar uu ku mamnuucaya in haweenka ay u shaqo tagaan hay’adaha maxalliga, kuwa caalamiga iyo kuwa aan dowliga ahayn ee loo yaqaano (NGOs).
Maamullada hay’adahan ayaa lagu amray inay howlwadeennada haweenka ah ku wargeliyaan inaynan soo shaqo tagin.
Arrintan ayaa lagu xusay warqad ka soo baxday wasaaradda arrimaha dhaqaalaha oo loo diray dhammaan NGOs-yada.
Waxay wasaaraddu sheegtay in hay’addii aan amarkan u hoggaansamin in lagala laabanaya oggolaanshihii lagu diiwaangeliyay.
Afhayeenka wasaaradda arrimaha dhaqaalaha ee maamulka Taalibaan Cabdul Raxmaan Xabiib ayaa warbaahinta CNN u sheegay in go’aankan lagu saleeyay in aan la ilaalin xeerarka labiska iyo shuruucda kale ee islaamiga ah.
Waxaa uu sheegay in dhawaan tabashooyin laga muujinayay arrintan si gaar ah qaadashada xijaabka.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii Taalibaan ay hakisay in ardayda gabdhaha ah ay wax ka bartaan jaamacadaha Afghanistan.
Hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqaysa in go’aamadan si degdeg ah looga noqdo oo aynan Taalibaan si qaldan u adeegsan awoodeeda.