Madaxweynaha dalka William Ruto iyo marwada koowaad Rachel Ruto ayaa kenyaanka ku boorriyay inay munaasabadda Christmas uga faa’iidaystaan inay dhir beeraan.
Farriin ay si wadajir ah u direen ayay xoogga ku saareen muhiimadda ay leedahay ka hor tagga saameynta isbeddelka cimillada.
William Ruto ayaa hoosta ka xarriiqay in qof kasta ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta bilicda deegaanka iyo ka hor tagga xaalufinta dhirta.
Madaxweynaha ayaa ku taliyay in roobabka ka da’aya qaybo ka mid ah dalka looga faa’iidaysto in geedo dheeraad ah la beero.
Waxaa uu dhanka kale soo jeediyay in la caawiyo dadka iyo qoysaska liita ee bulshada ku dhex nool.
Merry Christmas. pic.twitter.com/Dj4Gq4LXLe
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) December 24, 2022