Waxaa lagu soo warramayaa in dhowr qof oo rakaab ah ay dhaawacmeen ka dib markii bas ay ku safrayeen uu saaka shil ku galay dowlad deegaanka Nyamira.
Taliyaha ciidamada taraafikada ee deegaanka Keroka Cisman Xasan ayaa warbaahinta u xaqiijiyay shilka iyo khasaare ka dhashay.
Waxaa uu sheegay in darawalkii gaariga oo ka safray Nairobi kuna wajahnaa Kisii uu baska xakameyn waayay taasoo keentay inuu gaari kale oo nooca mataatuuda ah ay isku dhacaan.
Labada darawal ayaa gacanta lagu dhigay waxayna ku eedeysan yihiin inay adeegsanayeen xawaare xad dhaaf ah.