Guddi baaraya saraakiishii IEBC oo fadhiyadiisa billaabay

0
293

Waxaa fadhiyadiisa billaabay guddi uu hoggaaminaya garsoore Aggrey Muchelule oo uu madaxweynaha dalka William Ruto u magacaabay inuu baaritaano ku sameeyo afar sarkaal oo ka tirsanaa guddiga doorashooyinka ee IEBC oo si ku meel gaar ah shaqada looga istaajiyay.
Dhageysiga dacwadda ka dhanka ah Irene Masit oo ka mid ah afarta sarkaal ee la eedeyay ayaa maanta ka billaabatay xarunta machadka horumarinta manaahijta waxbarasho ee (KICD) ee ismaamulka Nairobi .
Waxaa guddiga hor tagay qareenka lagu magacaabo Donald Kipkorir oo u doodaya Masit.
Saddexda sarkaal ee kale ee is casilay ee baaritaannada wajahaya ayaa kala ah guddoomiye ku xigeenkii IEBC Juliana Cherera ,Francis Wanderi iyo Justus Abonyo.