Kenya ayaa kaalinta saddexaad kaga jirta dalalka qaaradda Afrika ee lacagaha looga soo xawilo qurbaha.
Waxaa kaalimaha koowaad iyo labaad ku kala jira waddamada Nigeria iyo Ghana, sida lagu sheegay warbixin uu soo saaray Bangiga Adduunka.
Hasa ahaate, qaaradda Afrika ayaa diiwaangelisay kobaca ugu hooseeya ee lacaga ay iyaga u xawilaan qaraadaha kale ee caalamka ee sanadka 2022-ka.
Sida warbixinta lagu sheegay, Kenya ayaa lacagaha looga soo diray qurbaha dhammaadkii bishii hore lagu sheegay 4.1 bilyan oo doolar oo u dhiganta 503 bilyan oo shilin dalka ah.
Dalka Nigera ayaa lacagaha looga soo diray dibadaha lagu sheegay 20.9 bilyan oo doolar oo u dhiganta 2.6 tirilyan, halka wadanka Ghana qurbaha looga soo xawilay 4.7 bilyan oo doolar oo u dhiganta 577 bilyan oo shilin.
Waxaa shanta waddan ee ugu horreeya qaaradda Afrika ee lacaga dibadda looga soo diro sidoo kale ku jiro dalalka Senegal iyo Zimbabwe.
Kenya ayaa waddamada caalamka u dhoofisa caleenta shaaha, iyadoo dhaqaalaha kaga soo xaroodo badeecadan loo soo mariyo shirkadaha wax xawilo.
Bangiga Adduunka ayaa sheegay in tignoolajiyadda dijitaalka ah ay u ogolaato adeegyada xawaaladaha inay noqdaan kuwa aad u jaban oo wax la isugu diro.
Waxaa uu Bangiga Adduunka sidoo kale sheegay in dhaqaalaha loo xawilo dalalka saxaraha ka hooseeya ee gobolka, uu aad u sameeyay isbeddelka cimilada iyo dhibaatooyinka calamiga ah, iyadoo sanadkan waddamadan loo diray dhaqaale ka sarreeyo marka la barbardhigo sanadkii hore.
Warbixintu waxa ay muujineysa in lacagaha loo diro waddamada dakhligoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka in ay hor istaageen isbeddelka cimilada sida abaaraha, kororka tamarta caalamka iyo qiimaha badeecadaha cuntada.