Maxkamadda oo xannibtay hantida qof u shaqeeya ismaamulka Nairobi

0
248

Maxkamadda dalka ayaa soo saartay amar lagu xannibaya hanti dhan 48 milyan oo shilin oo uu leeyahay mid ka mid ah howlwadeennada ismaamulka Nairobi.
Waxaa maxkamadda loo sheegay in qofkan uu qaato mushaar ah 55,000 oo shilin sidaas awgeedna la tuhunsan yahay qaabka uu lacagtan malaayiinka shilin ah ku helay.
Garsoore Esther Maina oo ka howlgasho maxkamadda sare ee dalka ayaa bixisay amarka.
Waxay guddiga anshaxa iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ee EACC u oggolaatay inuu xannibo hantida Wilson Nashon Kanani ilaa inta ay maxkamadda go’aan kama dambeys ah ka soo saareyso.