Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa magaalada Washington DC ee dalka Maraykanka kulan kula qaatay ku xigeenka sare ee madaxa tiknolojiyadda shirkadda Google James Manyika.
Ruto iyo mas’uulka sare ee shirkadda Google ayaa ku heshiiyay inay sameeyaan iskaashi dhanka tiknolojiyadda ah.
Waxaa madaxweynaha kulankaasi ku wehelinayay wasiirka arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Dr.Alfred Mutua , xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Singoei Korir iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda dhexe.
Madaxweyne Ruto ayaa shirkadda ku bogaadiyay tallaabada ay xarun horumarineed uga furatay Kenya.
Xaruntan ayuu Ruto sheegay inay isku duba ridi doonto howlaha shirkadda Google ee gudaha dalka iyo si guud qaaradda Afrika.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay muujinayso fursadaha dijitaalka ee ka jiro wadanka iyo sida ay uga faa’iidi karaan xirfadleyda kenyaanka ah.
We commend Google for establishing a product development centre in Kenya that will coordinate its activities within Kenya and the Africa Region. This is an appreciation of the potential of the digital space and Kenya’s skilled human capital. pic.twitter.com/RyjdC3TSOz
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) December 13, 2022
In Washington, D.C., United States of America, agreed areas of cooperation with the Google Senior Vice President for Technology and Society James Manyika. pic.twitter.com/ULc5QUBycC
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) December 13, 2022