Dowladda oo aqoonsatay waxqabadka mas’uuliyiin uu ka mid yahay Chebukati

0
288

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa aqoonsi dowladeed oo ku aaddan waxqabadkooda guddoonsiiyay shakhsiyaad uu ka mid yahay guddoomiyaha guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudaha wadanka ee IEBC ,Wafula Chebukati.
Sida lagu soo daabacay wargeyska rasmiga ee dowladda, dadkan ayaa qaranka u fidiyay adeegyo hufan.
Waxaa ay ka kooban yihiin 460 ruux oo xilal kala duwan haya.
Waxaa liiskan ka mid ah senatarka ismaamulka Mandera Cali Ibraahim Roba iyo barasaabyada kala ah Onesmus Muthomi Njuki (Tharaka Nithi), Mutahi Kahiga(Nyeri),Nathiif Jaamac(Garissa), Stephen Sang(Nandi), Issa Cabdalla Timamy(Lamu).