Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa difaacay qorsho dowladeed oo ku aaddan in la soo dhiso xafiiska rasmiga ee hoggaamiyaha mucaaradka.
Xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Nyandarua ee gobolka bartamaha dalka ayuu hoosta ka xarriiqay in ujeeddada laga leeyahay arrintan ay tahay xoojinta la xisaabtanka dowladda.
Waxaa uu sheegay in garabka mucaaradka oo awood yeesho ay xaqiijin doonto in dowladda ay sida habboon u adeegsato kheyraadka dadweynaha.
William Ruto ayaa carrabka ku adkeeyay in kastoo maamulkiisa uu diyaar u yahay in lala xisaabtamo oo loo cadeeyo waxyaabaha ka qaldan haddana la doonayo in tani loo maro qaab nabad ah.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka, Kimani Ichung’wa ayaa xaqiijiyay inuu guddoomay soo jeedin ku saabsan in la soo dhiso xafiiska rasmiga ee madaxa mucaaradka taasoo uga timid madaxweynaha.
Waxaa uu tilmaamay in tallaabadan aynan micnaheedu ahayn in William Ruto uu heshiis siyaasadeed la galaya garabka mucaaradka balse keliya uu doonaya inay si buuxda uga soo baxaan waajibaadkooda ka saaran kormeerka waxqabadka dowladda dhexe.
Dhanka kale madaxweynaha ayaa shacabka deegaanka Kipipiri ee ismaamulka Nyandarua u ballanqaaday in la dhameystiri doono mashaariic horumarineed oo ay waddooyin ka mid yihiin kuwaasoo fulintooda uu hakad ku yimid.