Booliiska Wajeer iyo Garissa oo xiray 6 qof oo looga shakisan yahay argagixisannimo

0
434

Ciidamada booliiska ee ismaamullada Wajeer iyo Garissa ayaa gacanta ku dhigay 6 qof oo looga shakiyay inay xubno ka yihiin kooxda Al-shabaab.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dhanka kale la adkeeyay amniga Kenya ay la leedahay dalka dariska la ah ee Soomaaliya.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in 6-da qof lagu soo qabtay howlgallo kala duwan xilli ay isku dayayeen inay u soo gudbaan dhanka Kenya.
Waxay isugu jiraan hal qof oo u dhashay Tanzania iyo 5 ka soo jeeda Itoobiya.
Xarigga eedeysanayaasha waxaa warbaahinta u xaqiijiyay isku duwaha ammaanka ee gobolka waqooyi bari Nicodemus Ndalana.
Waxaa uu sheegay in dowladda ay si dhow ula socoto xaaladda amni ee Soomaaliya halka ciidamo dheeraad ah la geeyay xadka labada waddan.