Mushaaraadka wasiirrada oo lagu wareejiyay guddiga ka falcelinta abaarta

0
199

Dowladda dhexe ayaa 17 milyan oo shilin oo ah mushaaraadka xubnaha golaha wasiirrada ku wareejisay guddiga loo xil saaray inuu isku duba rido dadaallada looga falcelinaya saameynta abaarta.
Waxaa arirntan xaqiijisay xoghayaha golaha wasiirrada dalka Mercy Wanjau .
Lacagtan ayaa ah midii ay qaadan lahaayeen bishii hore.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii madaxweynaha , ku xigeenkiisa iyo 22-ka xubnood ee hoggaamiyo wasaaradaha kala duwan ee dowladda dhexe ay ku heshiiyeen in mushaarkooda hal bil ah ay ku kabaan gargaarka ka dhanka ah abaarta.
Ilaa iyo hadda guddiga qaran ee ka falcelinta saameynta abaarta ayaa uruuriyay in ka badan 590 milyan oo shilin.
Dowladda dhexe ayaa sheegtay in Kenya ay ka hor bisha koowaad ee sanadka 2023-ka u baahan tahay ugu yaraan 17 bilyan si wax looga qabto saameynta abaarta.