Xoghayaha guud ee Jubilee oo taageeray isku soo baxyada dadweyne ee Azimio

0
214

Xoghayaha guud ee xisbiga Jubilee, Jeremiah Kioni ayaa sheegay inay taageerayaan isku soo baxyada dadweyne ee uu ku dhawaaqay madaxa isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya Raila Odinga.
Waxaa uu xusay in kulamadan oo si nabad ah loo qaban doono lagu doonayo in looga soo horjeesto tallaabo uu madaxweynaha dalka William Ruto si ku meel gaar ah shaqada uga istaajiyay afar sarkaal oo ka tirsan IEBC.
Howlwadeennada oo labo ka mid ah ay is casileen ayaa lagu dhaliilay in bishii Siddeedaad ee sanadkan ay ku gacan seyreen natiijadii doorashadii guud saacado ka hor inta uunan si rasmi ah u shaacin guddoomiyaha guddiga doorashooyinka, Wafula Chebukati.
Xoghayaha guud ee Jubilee ayaa intaasi ku daray in isku imaatinka dadweyne ee berri lagu qabanaya fagaaraha Kamukunji ee ismaamulka Nairobi iyo mid kale oo 12-ka bishan ka qabsoomi doono fagaaraha Jacaranda Gardens ee Embakasi ay yihiin kuwo lagu xoojinaya maamul wanaagga.
Kioni ayaa carrabka ku adkeeyay in xisbiga Jubilee uu maalmaha nagu soo aaddan soo saari doono bayaan dhameystiran oo ku saabsan xaaladda dalka.
Waxaa uu cadeeyay inay ka war bixin doonaan arrimaha garsoorka, dhaqaalaha , guddiga doorashooyinka ee IEBC ,isbeddellada dastuuriga ee loo baahan yahay iyo amniga.