Wararka naga soo gaaraya dalka Myanmar ayaa sheegaya in 5 qof lagu dilay wadankaas ka dib dibadbaxyo dhacay.
Saraakiisha ammaanka ee dalkaas ayaa la sheegaya in ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal ka soo horjeedo afgembigii militari ee dhacay 1-dii bishii hore.
Mudaharaadyada ayaa laga soo tabiyay magaalada caanka ku ah ganacsiga ee Yangon .
Ugu yaraan saddex qof ayay ciidamadu ku dileen magaaladan halka labo qof looga takhalusay degmo kale.
Tan iyo markii afgembiga militari uu dhacay bishii hore waxaa la dilay in ka badan 80 qof sida laga soo xigtay ururka u dooda xuquuqda maxaabiista siyaasadeed halka in ka badan 2,100 ruux la xiray.