Pakistan oo deegaannada qaar xayiraad ku soo rogtay

0
796

Dowladda Pakistan ayaa lagu soo warramayaa in ay qaar ka mid ah deegaanadeeda ku soo rogtay xayiraado dhanka isku socodka ah.
Tallaabadan ayaa looga gol-leeyahay xakameynta faafidda caabuqa corona.
Saraakiisha caafimaadka ee Islamabad ayaa shacabka ku boorrinaya in ay qaataan afxirka sidoo kalena aad isugu dhawaan.
Dalka Pakistan ayaa ilaa iyo hadda laga xaqiijiyay xaaladaha cudurka COVID-19 oo dhan 605,200 halka 13,508 qof ay u dhinteen.