Madaxa bangiga dhexe ee dalka Dr. Patrick Njoroge ayaa shaaciyay in dhaqaalaha Kenya uu kobcay boqolkiiba 5.2.
Waxaa uu sheegay in la rajeynaya in kobaca dhaqaalaha ee dalka uu noqdo mid sii jiro bilooyinka nagu soo aaddan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maamulka talada haya uu xoogga saaraya sidii loo wanaajin lahaa dhaqaalaha wadanka oo uu si wayn u saameeyay cudurka COVID-19.
Sidoo kale waxaa yaraaday wax soo saarka beeraha abaarta daba-dheeraatay awgeed.