Kenya oo ku biiraysa machadka caalamiga ee tallaalka

0
293

Dowladda Kenya ayaa guda gashay geeddisocodka ay ugu biirayso machadka caalamiga ee tallaalka ee (IVI).
Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo qurbajoogta Alfred Mutua ayaa gudbiyay codsi arrinkan ku aaddan.
Waxaa uu warqadda la wadaagay agaasimaha guud ee machadka IVI Jerome Kim.
Tani ayaa timid ka dib kulan mas’uuliyiintan ay magaalada Seoul ee caasimadda Kuuriyada Koonfureed kula yeesheen wafdi matalaya Kenya oo uu hoggaaminayay madaxweyne William Ruto.
Ruto ayaa sheegay in Kenya ay raaci doonto tallaabooyinka ay uga mid noqonaysa xubnaha IVI.
Waxaa uu intaasi ku daray inay jiraan waxyaabo badan oo machadka caalamiga ee tallaaka uu ka faa’iidi karo dalka iyo si guud gobolka.
William Ruto ayaa sheegay inay doonayaan in daawooyinka tallaalka ee lagula tacaalo cudurrada kala duwan lagu sameeyo gudaha wadanka taasina ay tahay sababta loo aasaasay machadka Kenya Biovax Institute.