Wasiirka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta howlaha dhaqaale ee ismaamulka Garissa Ciise Oyoow ayaa sheegay in dhawaan la soo bandhigi doono xayaysiin ku saabsan qaabka ardayda looga bixin doono qarashaadka tacliinta.
Waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeyn loo jeediyay dowladda ismaamulka Garissa oo ah in aynan in muddo ah bixin lacagaha loo yaqaano bursary ee ardayda looga taageero dhanka dhaqaalaha waxbarasho.
Sidoo kale wasiirka ayaa xusay in ay mudnaanta koowaad siin doonaan ardayda baranaya culuunta caafimaadka, injineernimada iyo macallinimada
Waxaa uu hadalkan ka jeediyay munaasabad xalay madaxda Garissa ay lacag uruurin ugu sameyeen arday baranaya caafimaadka iyo gabar xanuunsan .
Lacag dhan 5 milyan , 193 kun iyo 250 shillin ayaa xalay munaasabaddaas lagu uruuriyay.