Waayeel loo haysto inuu gabadh ku faraxumeeyay Kakamega oo berri maxkamadda la soo taagaya

0
518

Waxaa la filayaa in uu berri maxkamadda ka soo hormuuqdo eedeysane 79 sano jir ah oo loo haysto inuu faraxumeeyay gabadh ay da’deedu tahay 13 sano.
Ninkan ayaa la xiray maalinkii Jimcaha waxaana xilligaas gacanta ku dhigay ciidamada waaxda dambi baarista dalka ee DCI-da.
Falka lagu tuhmay ayaa la soo tabiyay in uu gaystay xilli uu ku sugnaa tuulada Liyenga ee ismaamulka Kakamega.
Eedeysanaha ayaa lagu magacaabaa Andrea Esani.