DAAWO:Raila Odinga oo isbitaalka laga saaray ka dib markii uu saameeyay COVID-19

0
808

Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga oo maanta laga dhex arkay muuqaal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee twitter-ka ayaa sheegay inuu aad ugu farxay in isbitaalka laga saaray ka dibna la geeyay hooygiisa.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii cudurka COVID-19 uu haleelay Mr. Odinga.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa isagoo jimicsi sameynaya xusay inuu noqday qof xabsi ku jiro oo kale.
Raila ayaa hoosta ka xarriiqay inuu jecelyahay qaadashada hawada nadiifka ah iyo in uu daawado waxyaabaha dabiiciga ah.
Hasa ahaate waxaa uu sheegay inuu ku sii jiraya xaalad kelinimo ilaa wargelin dambe.
Talaadadii la soo dhaafay ayay ahayd markii hoggaamiyaha xisbiga ODM uu tagay isbitaalka Nairobi Hospital isagoo baaritaano dhowr ah lagu sameeyay ka dib markii uu sheegay inuu aad u daalay maadaama 5 cisho uu kulamo kala duwan ka waday gobolka xeebta.
Mr. Odinga ayaa ka dib markii laga helay cudurka COVID-19 , maalinkii khamiista xaaladiisa caafimaad shacabka la wadaagay isagoo dhanka kale kenyaanka ugu baaqay in ay raacaan dhammaan talooyinka caafimaad iyo amarrada dowladda ee lagu xakameynaya faafitaanka cudurka .
Waxaa uu sidoo kale kenyaanka u sheegay in cudurka uu dhab yahay halka uu rajo wanaagsan ka muujiyay in uu cudurka ka caafimaadi doono .
Wararka ayaa intaa ku daraya in lala tacaalaya xaaladda caafimaad ee dad dhowr ah oo Raila la macaamilay balse ilaa iyo hadda agaasimaha isgaarsiinta ee ODM Philip Etale ayaa shaaciyay in cudurka COVID-19 laga helay.