Maxkamad ku taalla magaalada Nairobi ayaa dambi ku heshay nin ku eedeysna inuu haweeney ka soo tuuray dabaqa 12-aad ee dhisme ku yaalla caasimadda wadanka, ka dib markii uu khilaaf soo kala dhex galay labadan qof oo la sheegay inuu xiriir ka dhexeyay.
Waxaa maxkamadda la horgeeyay caddeymo muujinaya in dhaawac aad halis u ah uu gabadha soo gaaray markii dabaqa qaybtiisa sare laga soo tuuray.
Ninkan oo magaciisa lagu sheegay Moses Njoroge ayaa lagu soo oogay dacwad ku saabsan dhibaatada uu u gaystay Eunice Wangari.
Falkan ayuu shakhsigan gaystay 13-kii bishii sagaalaad ee sanadkii 2020-kii.
Waxaa lagu wadaa eedeysanaha in xukun lagu rido 1-da bisha 12-aad ee sanadkan.