Saraakiisha booliiska ee dowlad deegaanka Homa Bay ayaa wada baadigoobka 4 qori oo laga xaday saldhig booliis oo ku yaalla ismaamulkaasi.
Sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ee ka howlgala saldhigga booliiska ee Kipasi ayaa sheegay in la jabsaday meeshii qasnadda hubku ku jiray lagana xaday ilaa 4 qori.
Koox burcad ah oo aan haybtooda wali la aqoonsan ayaa la sheegay inay gooyeen daaqadda dambe ee qolkii uu hubka ku jiray ka dibna ay gudaha u galeen qoryahaasna ay kala baxeen.
Warbixinta booliiska ayaa sidoo kale lagu sheegay inay jareen qufulkii albaabka ee ugu muhiimsanaa iyagoo gudaha qolka galay hubkana kala baxay.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in hubka la xaday ay ka mid yihiin saddex qori oo G3 ah, hal nooca Ak 47 iyo dhowr nooc oo kale oo raraas ah.
Ciidamada ammaanka ee ismaamulka Homa Bay ayaa booqday saldhigga dhacdadan laga soo tabiyay, iyadoo kooxo ka tirsan laamaha amniga ay billaabeen baaritaan arrinkan la xiriira.
Saraakiishii ku sugnaa xarunta hubka laga xaday ayaa hadda su’aallo laga waydiinaya dhacdadan.