Bilyaneerka u dhashay dalka Maraykanka ahna aas-aasaha shirkadda Microsoft Bill Gates ayaa ku sugan caasimadda wadanka ee Nairobi.
Waxaa la filaya inuu kulamo is xig-xiga la yeesho bulshada qaybaheeda kala duwan.
Mr. Gates ayaa tagi doona ismaamulka Makueni, waxaana lagu wadaa in uu maanta la kulmo barasaabka dowlad deegaankaasi Mutula Kilonzo Junior.
Waxaa uu qorshuhu yahay inuu sidoo kale booqdo isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee ismamaulka Makueni, ka dibna uu booqdo xarunta caafimaadka ee Kathonzweni halkaas oo uu kula kulmi doono howlwadeenada si iskood ah uga shaqeeya caafimaadka.
Bill Gates ayaa ka dib la kulmi doona laba beeraley ah oo ku nool deegaanka hoose ee Kathonzweni, kuwaas oo u ololeeya arrimaha la xiriira Isbeddelka cimilada ee dhanka waraabka beeraha.
Maalinka Khamiista ee toddobaadkan ayaa Bill Gates la filayaa inuu jeediyo khudbad ku saabsan hal abuurnimada badqabka cuntada iyo isbeddelka cimilada ee qaaradda Afrika.
Xafladda uu ka khudbeynaya Bill Gates ayaa lagu qaban doonaa Jaamacadda Nairobi.
Ganacsadaha ayaa ah aasaasaha hay’adda samafalka Melinda iyo Gates Foundation.
Hay’addan ayaa diiradda saarto in dhammaan dadka ay ku noolaadaan nolol caafimaad qabta, wax soo saarna leh.
Waxaa ay sidoo kale xoogga saarta horumarinta caafimaadka dadka iyo in la siiyo fursad ay uga baxaan gaajada iyo saboolnimada.