Dowladda Soomaaliya oo faahfaahisay sababta loo xiray Mustafa Cali Caanood

0
316

Ciidamada amniga ee Soomaaliya ayaa soo xiray wadaad lagu magacaabo Mustafa Cali Caanood oo dowladda ku eedeysay in uu faafinayay fidinta fikradaha Khawaarijita.
Waxaa wadaadka laga soo qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha xilli uu isku dayay in uu baxsado, sida laga soo xigtay dowladda.
Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in wadaadaka uu marin habaabinayay dhallinyarada islamarkaana Mustafa Cali Caanood la horgeyn doono maxkamad.
Dowladda Soomaaliya oo dagaal xooggan kula jirta Al-Shabaab ayaa u muuqataa inay sii xoojineyso ololaha ballaaran ee ka dhan ah kooxdaasi, xilli ciidamada ay gobollada dalka ka fulinayaan howlgallo ka dhan Al-Shabaab.
Markii hore waxay warbaahinta maxalliga ah iyo baraha bulshada ka mamnuucay inay faafiyaan wararka la xiriira Al-Shabaab.
Taa waxaa xigtay in dowladda Soomaaliya ay xirtay qaar ka mid ah baraha iyo bogagga intarneetka ee taabacsan Shabaab.