Ruushka oo eedeyn u jeediyay reer galbeedka

0
572

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka ,Sergei Lavrov ayaa sheegay in dowladaha reer galbeedka ay howlo militari ka wadaan Koonfurta bari ee qaaradda Aasiya.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in arrimahan looga gol-leeyahay in lagu xakameeyo danaha Ruushka iyo Shiinaha.
Shir jaraaid oo uu qabtay ka dib markii la soo gabagabeeyay kulanka ururka ay ku mideysan yihiin dowladaha Koonfurta bari ee Aasiya (ASEAN) ayuu ku dhaliilay Maraykanka.
Waxaa uu sheegay in xukuumadda Washington iyo saaxiibadeeda kale ee gaashaanbuurta NATO inay ku dadaalayaan inay maamulaan gobolkaasi.