Shirkadda duullimaadyada wadanka ee Kenya Airways ayaa sheegtay in howlaheeda oo maalmo hakad ku jiray ay si buuxda u billaaban doonaan Jimcada.
Maamulka shirkadda ayaa hoosta ka xarriiqay in aynan fududeyn in laga gudbo saameyntii dhaqaale ee ka dhalatay shaqo joojintii duuliyeyaasha balse ay u baahan tahay dadaal labo jibbaar ah.
Shaqo joojintii duuliyeyaasha oo qaadatay afar cisho ayaa waxaa lagu soo afjaray amar ka soo baxay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha.
Qorshaha duullimaadyada ee Kenya Airways ayaa muujinaya in 2-dii habeennimo ee xalay ay diyaarado rakaab sida u ambabaxeen magaalooyinka Addis Ababa, Dar es salaam, Entebbe, Johannesburg Harare iyo London.
Sidoo kale waxaa si tartiib ah u sii yaraanaya safafkii dhaadheeraa ee ka jiray gagida caalamiga ee diyaaradaha ee JKIA ee magaalada Nairobi.