214 qof oo daacuun ugu dhimatay Malawi

0
237

Cudurka daacuunka oo ka dillaacay dalka Malawi ayaa waxaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay inay u dhinteen 214 qof.
Dowladda dalkaasi ayaa diiwaangelisay 7,499 xaaladood oo xanuunkan la xiriira tan iyo bishii Saddexaad ee sanadkan.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in tani ay tahay midii ugu sarreysay ee dillaaca daacuunka muddo 10 sano ah ee Malawi.
Wasaaradda caafimaadka ee wadankaasi ayaa Talaadadii sheegtay in la soo tabiyay 174 oo xaalado cusub ah.
Guud ahaan caalamka cudurka daacuunka oo laga qaado nadaafad darrada ayaa sanadkiiba waxaa uu saameeya 1.3 milyan ilaa afar milyan oo qof waxaana u dhinta 143,000.