Kenyaanka haysta baasaboorka caadiga ah oo fiiso la’aan ku gali kara dalka Koonfur Afrika

0
394

Dadka Kenyanka ah ee haysta baasaboorka caadiga ah ayaa loo oggolaan doona inay dalka Koonfur Afrika ku galaan fiisa la’aan ilaa muddo 90 maalmood, islamarkaana ay wadankaasi joogi karaan muddadaasi.
Arrinkan ayaa dhaqangalaya horraanta sanadka cusub ee 2023-ka.
Tani ayaa soo gabagabayneysa dhibaatadii kenyaanka ka haysatay inay galaan wadanka Koonfur Afrika si ay u helaan ganacsi, waxbarasho, caafimaad iyo madadaalo kuwaas oo inta badan buuxiya shuruudaha fiisaha.
Heshiiskan ayaa waxa garwadeen ka ahaa madaxweynaha dalka William Ruto iyo dhigiisa Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa oo booqasho ku jooga Kenya .
Tallaabadan ayaa hadda la filayaa inay sare u qaado ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeya Kenya iyo Koonfur Afrika.
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa sheegay in heshiiska la oggolaan doono hal sano gudaheed, uuna kor u qaadi doono howlaha ganacsiga iyo dalxiiska.
Sida uu sheegay madaxweyne Ruto, Kenya iyo Koonfur Afrika waxay ku heshiiyeen iskaashi ay ka mid yihiin ganacsiga, beeraha, guriyeynta iyo kor u qaadista tayada adeegga bulshada.
Ganacsiga laba geesoodka ah ee u dhexeya Kenya iyo Koonfur Afrika ayaa hadda u xaglinaya dhaqaalaha labaad ee ugu weyn qaaradda Afrika.