Putin oo aan ka qayb geli doonin shirka G20 ee toddobaadka dambe

0
229

Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaan ka qayb geli doonin shir ay isbuuca soo socdo xubnaha dalladda G20 ay ku yeelanayaan jasiiradda Bali ee dalka Indonesia.
Waxaa sidatan wakaaladda wararka ee AFP u sheegtay safaaradda xukuumadda Moscow ay ku leedahay wadanka Indonesia .
Madaxa hab-maamuuska safaaradda Yulia Tomskaya, ayaa xaqiijiyay in wafdiga shirkaasi ka qayb galaya uu hoggaamin doono wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov.
Hasa ahaate waxaa uu hoosta ka xarriiqay in Putin haddii ay suurtagasho uu kulanka uga qayb qaadan doono qaab fogaal-arag ah.
Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden oo horay dhigiisa Ruushka ugu tilmaamay dambiile dagaal ayaa kulanka imaanaya.
Waxaa uu Biden horay u sheegay inuunan rabin in isaga iyo Putin ay isku arkaan Bali.
G20 waxaa xubno ka ah 20-ka waddan ee caalamka ugu horreeya dhanka dhaqaalaha waxayna kala yihiin Argentina, Australia, Brazil, Canada, Shiinaha, Faransiiska , Jarmalka , India, Indonesia, Talyaaniga , Japan, Jamhuuriyadda Korea, Mexico, Russia, Sacuudi Carabiya , Koonfur Afrika , Turkiga , Ingiriiska , Maraykanka iyo Midowga Yurub oo xubin ahaan u xisaabsan.