Baaritaan dabagal ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in dowladda ismaamulka Migori ay mushaar ka qaataan ugu yaraan 600 oo qof oo aan shaqaale rasmi ahayn.
Tani ayay micnaheedu tahay in shakhsiyaadkan ay ku jiraan nidaamka mushaar bixinta balse aynan u adeegin shacabka halkaasi ku nool.
Waxaa arrintan shaaca ka qaaday machadka maareynta shaqooyinka iyo arrimaha shaqaalaha.
Warbixintan ayay soo saareen ka dib markii uu baaritaannada u xil saaray guddoomiyaha Migori Ochillo Ayacko.