Madaxweynaha dalka William Ruto oo khudbad ka jeediyay shirka qaramada midoobay ee looga hadlaya isbeddelka cimillada ee COP27 kaasoo ka socdo wadanka Masar ayaa ku baaqay in dowladaha qaaradaha kale ee adduunka ay maalgashi ka sameeyaan gudaha Afrika.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay inay jiraan fursado badan oo ay qaaraddu leedahay oo lagu soo saari karo korontada cadceedda , midda biyaha ama dabeysha.
Ruto ayaa tusaale u soo qaatay in awoodda korontada biyaha laga dhaliyo ee bariga Afrika ay tahay 100,000 oo megawatts.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in dunida aynan intan ka badan sii wadi karin inay warshadaha u adeegsato koronto laga soo saaraya tamar aan saafi ahayn.
Hoggaamiyaha wadanka ayaa dowladaha horumaray ku boorriyay inay maalgashadaan Afrika si caalamka looga badbaadiyo saameynta isbeddelka cimillada.
RUTO: INVEST IN AFRICA TO SAVE THE GLOBE FROM CLIMATE CHANGE
President @WilliamsRuto has asked developed nations to invest in Africa to save the globe from the adverse effects of climate change. pic.twitter.com/DTzXh4Tb2t
— State House Kenya (@StateHouseKenya) November 7, 2022
“This is why we are calling for simplified, more transparent carbon market systems that directly benefit communities.”
He challenged the leaders to focus on keeping their commitments. pic.twitter.com/lzD7BbudSF
— State House Kenya (@StateHouseKenya) November 7, 2022