Madaxweynaha dalka William Ruto oo hoggaaminaya wafdi matalaya Kenya ayaa lagu wadaa inuu maanta u ambabaxo dalka Masar.
Waxaa uu halkaasi uga qayb geli doonaa shirka qaramada midoobay ee looga arrinsanaya saameynta isbeddelka cimillada ee (COP27) .
William Ruto ayaa ah guddoomiyaha guddiga madaxda Afrika ee isbeddelka cimillada.
Afhayeenka madaxtooyada wadanka ee State House , Xuseen Maxamad ayaa xaqiijiyay in Ruto uu shirkaasi ku soo bandhigi doono farriinta Kenya iyo si guud Afrika ee wax ka qabashada isbeddelka ku yimaada cimillada.
Waxaa uu Xuseen Maxamad xusay in madaxweynaha dalka uu beesha caalamka ugu baaqi doono inay caqabaddan xal u hesho.
Mas’uuliyiin matalaya in ka badan 200 oo dowladood ayaa ka qayb galaya shirka oo socon doono ilaa 18-ka bishan.
Press Release:
Kenya to champion stronger global solidarity towards effective climate action: pic.twitter.com/rU62YlFatG
— Hussein Mohamed, MBS. (@HusseinMohamedg) November 5, 2022