Waxaa maanta isbitaalka weyn ee magaalada Garissa ka billowday bixinta tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Waxaa ugu horreyn tallaalka qaatay hawl wadeenada caafimaadka waxaana ku xigi doono sida uu qorshuhu yahay ciidamada ammaanka iyo macallimiinta sida uu idaacadda STAR FM u sheegay Xasan Canshuur oo ah sarkaalka sare ee waaxda caafimaadka ee ismaamulka Garissa.
Dadkii tallaalka maanta qaatay ayaa waxaa ka mid ahaa Dr. Cabdi Xasan oo ka mid ah mas’uliyiinta hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO oo dadweynaha ugu baaqay in ay qaataan tallaalka .