Madaxweynaha dalka oo la filayo in uu maanta khudbad jeediyo

0
603

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socdo jeediyo khudbad qaran oo ku saabsan cudurka COVID-19.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ay kordheen xaaladaha caabuqa corona ee sida maalinlaha ah looga diiwaangeliyo wadanka.
Wasiirka caafimaadka Mr. Mutahi Kagwe ayaa sheegay in Kenya ay wajahayso hirkii saddexaad ee cudurka sidaas awgeedna la doonayo in cid kasta ay ku dadaasho badbaadinta nafteeda iyo si guud bulshada.
Mr. Kenyatta ayaa sidoo kale la filayaa inuu ka hadlo habsami u socodka tallaalka ka dhanka ah cudurka ee ka billowday qaybaha kala duwan ee Kenya .
In kastoo ay jiraan baaqyo horay loo jeediyay madaxweynaha oo ku aaddan inuu meesha ka saaro bandowga habeenkii lama ogo in uu tixgelin doono baaqan iyo codsi ku aaddan in uu 30 cisho mamnuuco isku soo baxyada siyaasadeed kaasoo kaga yimid golaha barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG.