Dowladda dhexe ayaa shaacisay in barayaasha 50 sano jirka ah iyo wixii ka sarreeya da’a ahaan ay noqonayaan kuwa ugu horreeya ee qaadanaya tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19.
Tallaalka ayay ka qaadan doonaan isbitaallada dowladda iyo kuwa sida gaarka ah loo leeyahay.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday Dr. Willis Akhwale oo ah guddoomiyaha guddiga ka talo bixiya tallaalka cudurka.
Mas’uulkan ayaa hoosta ka xarriiqay in macallimiinta marka la eego shaqada ay bulshada u hayaan ay halis ugu jiraan caabuqa corona.
Ilaa 575,000 xarumood ayaa la diyaariyay si loo fududeeyo geeddisocodka tallaal bixinta.
Macallimiinta ayaa laga codsaday in ay si dhow ula shaqeyaan howlwadeenada caafimaadka ee ismaamullada ay ku sugan yihiin.
Dr. Akhwale ayaa intaa ku daray in macallimiinta laga doonayo in ay soo bandhigaan dokumeentiyada shaqo sida nambarka ay iskaga diiwaangeliyeen hannaanka guddiga adeegga macallimiinta ee TSC.
Waxaa uu guddoomiyaha guddiga dowladda kala taliyo tallaaka cudurka COVID-19 xusay in barayaasha qabo xasaasiyadda jireed ee loo yaqaano Allergy ay la tashadaan dhakhaatiirta ka hor inta aan la tallaalin.
Dr. Akhwale ayaa ku celceliyay in Kenya ay wajahayso hirkii saddexaad ee cudurka sidaas awgeedna ay khasab tahay in adeegsado hab-raacyada habboon.
Sidoo kale waxaan tallaalka COVID-19 qaadan doonin dadka qabo qandhada ee heer kulka jirkoodu yahay 38 digriis iyo wixii ka sarreeya, haweenka uurka leh iyo carruurta.
Madaxa fulinta ee guddiga TSC Nancy Macharia ayaa macallimiinta ugu baaqday in ay fursaddan ka faa’iidaystaan oo ayna qaataan tallaalka ka dhanka ah xanuunka COVID-19.