Agaasimaha waaxda dambi baarista wadanka ee DCI , Aamin Maxamad Ibraahim ayaa amar ku bixiyay in baaritaan dabagal ah lagu sameeyo shil uu dhawaan ku nafwaayay Boniface Muganda.
Sarkaalkan ayaa DCI u qaabilsanaa dhanka naqshaqeynta ku saleysan hal-abuurka waxaa uuna qayb ka ahaa shaqaalaha waaxda isgaarsiinta iyo xiriirka bulshada.
Sabtidii ayay ahayd markii uu shil ku geeriyooday ka dib markii mooto uu waday iyo baabuur ay isku dhaceen.
Shilka ayaa ka dhacay aagga Marurui ee waddada wayn ee Northern bypass ee ismaamulka Nairobi.
Ciidamada booliska ayaa sheegay in Muganda oo uu dhaawac soo gaaray la geeyay isbitaalka qaran ee Kenyatta halkaasi oo uu ku geeriyooday.
Madaxa DCI ayaa doonaya in la ogaado sida uu shilkaasi u dhacay iyo in cidii dembi lagu helo in tallaabo sharciyeed laga qaado.
DIRECTOR DCI EULOGISES DETECTIVE BONIFACE MUGANDA AS A DILIGENT OFFICER
The Director of Criminal Investigations has condoled with the family, friends and colleagues of detective Boniface Muganda, who lost his life through a tragic hit and run road accident last Saturday night pic.twitter.com/C1WQlRZKw9
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) October 25, 2022