Cillad ku timid WhatsApp oo la xalliyay

0
285

Waxaa saacado ka dib la xalliyay cillad ku timid barta la isugu diro farriimaha degdegga ee WhatsApp.
Shirkadda Meta Platforms oo ay bartan hoos tagto ayaa sheegtay inay la tacaashay culeys saaka jiray oo aynan faahfaahin sababta keentay.
Cilladdan ayaa laga dareemay daafaha caalamka sida Ingiriiska , Aasiya iyo Afrika.
Macaamiisha WhatsaApp ayaan xilligii ay cilladda jirtay awoodin inay bartan isticmaalaan.
Shabakadda dabagalka ku sameysa dhibaatooyinkan ee Downdetector ayaa laga soo xigtay in ugu yaraan 68,000 oo ruux oo ku nool gudaha Ingiriiska ay cabasho soo gudbiyeen.
Waxaa sidoo kale culeyska soo foodsaaray walaac ka muujiyay 19,000 qof oo ku nool dalka Singapore iyo 15,000 kale oo joogo Koonfur Afrika.
Afhayeen u hadlay Meta Platforms ayaa raaligelin ka bixiyay cilladda saameysay barta WhatsApp-ka oo ay isticmaalaan ilaa 2 bilyan oo qof.