Golaha qaran ee naafada oo diiwaangelin ka billaabay Homa Bay

0
272

Golaha qaran ee naafada ayaa billaabay barnaamij diiwaangelin ah oo soconaya shan cisho waxaana laga fulinaya ismaamulka Homa-Bay .
Waxaa arrintan xaqiijisay isku duwaha golahan ee dowlad deegaankaasi Ms Ruth Oyier .
Waxay waalidiinta ugu baaqday in carruurtooda naafada ah ay keenaan si loo diiwaangeliyo.
Oyier ayaa sheegtay in faa’iidooyinka tallaabadan ay ka mid tahay in naafada diiwaangashan ay helaan adeeg ka caawinaya dhanka socdaalka.