Midowga wariyaasha ee KUJ oo baaq ka soo saaray dilka wariyihii u dhashay Pakistan

0
293

Midowga wariyaasha dalka ee KUJ ayaa ugu baaqay maamulka booliska in ay sida ugu dhaqsiyaha badan gacanta ku soo dhigaan askartii ku lugta lahayd dilka wariyihii u dhashay wadanka Pakistan Arshad Maxamad Shariff.
Waxaa ay codsanayaan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sababta keentay in wariyaha laga takhaluso.
Ururka saxafiyiinta Kenya (KUJ) oo falkan cambaareeyay ayaa dhanka kale tacsi u diray qoyska uu ka baxay wariye Arshad Shariif.
Xoghayaha guud ee midowga wariyaasha dalka ee KUJ Erick Oduor ayaa sheegay inay dalbanayaan in caddaaladda la horkeeno saraakiishii ku lugta lahayd dhacdadan islamarkaana la soo taago maxkamad.
Booliska dalka oo dilka wariyaha qirtay ayaa sheegay in Arshad Shariff si aan ula kac ahayn loo toogtay.
Waxaa ay intaasi ku dareen in arrintan ay dhacday ka dib markii wargelin ka soo baxday saldhigga booliska ee Pangani oo la xiriirtay baabuur la xaday oo ay saraakiisha ku raadjoogeen ay keentay in howlgal laga sameeyo Magadi oo hoostagta ismaamulka Kajiado.
Wararka ayaa intaasi ku daray in wariyaha u dhashay Pakistan uu soo maray beeriyaalka booliska ay sameyeen ka dibna rasaas lagu furay gaarigii siday oo uu dhaawac culus gaaray Arshad Maxamad Shariff ka hor inta uunan geeriyoon.