Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay inay qasab tahay in cid kasta ay ilaaliso xeerarka dastuuriga ee wadanka u degsan.
Waxaa uu sheegay in xeerarkan ay muhiim u yihiin dimuqraadiyadda iyo baraaraha wadanka.
Sidoo kale waxaa uu xusay inay qasab tahay in maamullada madaxa bannaan aan lagu faragelin gudashada waajibaadkooda shaqo.
Madaxweynaha ayaa arrintan ka hadlay xilli uu shalay golaha ururka qareennada wadanka ee LSK uu kula kulmay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi.
Waxaa uu hoggaamiyaha wadanka ururka LSK weydiistay inay dowladda kala shaqeyso sidii lagu xaqiijin lahaa in gudaha dalka si buuxda looga dhaqmo xeerarka dastuuriga.
Waxaa uu u sheegay in sida ugu wanaagsan ee ay dowladda garab u siin karaan ay tahay inay hadlaan marka uu khalad dhacaya.
Madaxweynaha dalka waxaa uu soo dhaweeyay soo jeedin uga timid LSK oo ahayd inay dowladda ka caawiso dejinta heshiisyada ganacsi ee caalamiga ah.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in tani ay muhiim u tahay in la soo saaro sharciyada iskaashiga waaxyaha dowladda iyo kuwa gaarka ah.
Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa muujiyay inay ka go’an tahay taageeridda mowqifka uu madaxweynaha dalka William Ruto ka qaatay dilalka sharci darrada ah waxayna ku baaqeen in la soo dhiso guddi xaqiiqo raadis ah oo baaritaano sameeya.
Madaxa garyaqaanada dalka Eric Theuri iyo xubnaha kale ayaa hoosta ka xarriiqay in sida keliya ee runta lagu ogaan karo ay tahay soo dhisidda guddigan.
Kulanka shalay waxaa sidoo kale ka qayb galay agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji.
1/5
PRESIDENT WILLIAM RUTO: WE MUST RESPECT THE RULE OF LAWPresident @WilliamsRuto has said the rule of law is integral to Kenya's democracy and prosperity. He also said independent institutions must be respected. pic.twitter.com/wt4Z64UIf1
— State House Kenya (@StateHouseKenya) October 24, 2022
5/5@lawsocietykenya expressed their support for the President's firm position against extra-judicial killings and called for the setting up of a commission of inquiry. pic.twitter.com/7kgzmUMR5f
— State House Kenya (@StateHouseKenya) October 24, 2022