Florence Bore oo uu bishii hore madaxweynaha dalka William Ruto u soo magacaabay xilka wasiirka wasaaradda shaqaalaha iyo badbaadinta bulshada ayaa ballanqaaday inay ka shaqeyn doonto sidii kenyaanka u shaqo tagay boqortooyada Sacuudi Carabiya loogu dhisi lahaa meelo ay ku badbaadi karaan.
Waxay hoosta ka xarriiqday inay wasaaradda shaqaalaha ee Sacuudi Carabiya ay kala hadli doonto wanaajinta xaaladaha ay ku howlgalaan kenyaanka qurbajoogta ah.
Bore ayaa sheegtay in haddii xilkan loo ansaxiyo ay baarlamaanka waydiisan doonto inuu meel mariyo lacag dhan 60 milyan oo shilin oo lagu hirgelinaya guriyaha badbaadada.
Wasiiradda magacaaban ayaa carrabka ku adkeysay in guriyahan ay yihiin kuwo loogu talagalay in lagu sii hayo kenyaanka ku dhibaateysan gudaha Sacuudiga ka hor inta aan dib loogu soo celin dalkooda hooyo.
Waxay ku celcelisay inay ka go’an tahay xal u helidda caqabadaha ay cabasho ka muujiyaan kenyaanka shaqooyinka u raadsaday waddamada khaliijka.