DHAGEYSO:Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo shacabka ugu baaqay la dagaalanka Al-Shabaab

0
312

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa shacabka soomaaliyeed ku boorriyay inay ciidamada ammaanka garab ku siiyaan la dagaalanka Al-shabaab.
Waxaa uu ugu baaqay inaynan ka cabsan khasaaraha nafeed ee ka dhalan karo kacdoonka shacabka ee Soomaaliya looga xoreynaya argagixisada.

Hadalkan ayuu jeediyay xilli uu ka qayb galay munaasabad duco iyo xusuus ah oo ay wasaaradda arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumada Soomaaliya u sameeysay Nabadoonnada Hibaad Cali Dasar iyo Nabadoon Cilmi Hagar Guure oo Al- Shabaab ay dileen.