Waxaa xafiiska si rasmi ah ula wareegay wasiirka cusub ee wasaaradda biyaha ee dowlad deegaanka Wajeer Maxamuud Cabdiraxmaan Cabdi.
Waxaa uu u mahadceliyay Diyad Xujale oo horay wasaaraddan u hoggaaminayay.
Wasiirka biyaha ayaa ballanqaaday inuu dhaqangelin doono qorshaha adeegyada biyaha ee maamulka barasaabka Wajeer Axmad Cabdullahi.
Waxaa uu sheegay inay guda galayaan in si degdeg ah biyo loo gaarsiiyo meelaha ay saameynta daran ku yeelatay abaarta ee ismaamulkaasi.