Waaxda dambi baarista wadanka ee DCI-da ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay in aagga Maana ee xaafadda Kayole ee ismaamulka Nairobi lagu qabtay nin ku eedeysan dhac.
Tuhmanaha oo 23 sano jir ah ayaa lagu magacaabaa John Kimani Muchina.
Saraakiisha ayaa xilli ay roondo sameynayeen helay xog ah inuu jiro guri ay inta badan galaan dad laga shaki qabo dhaqdhaqaaqooda iyagoo durbaba howlgal ka fuliyay hooygaasi.
Waxay waaxdu intaasi ku dartay in ninkan lagu helay barstool uu isaga sameystay oo ay ku jiraan shan xabbo oo rasaas ah.
Guriga ayaa sidoo kale laga soo helay taleefoono , furayaasha baabuurta iyo mootooyinka iyo waxyaabo kale.
Eedeysanaha ayaa hadda lagu hayaa saldhig booliis si loo qaado tallaabada xigta.
Waxyaabaha lagu soo qabtay oo ay bastooladda ka midka tahay ayaa lagu keydiyay meel gaar ah si loogu soo bandhigo caddeymo ahaan.
ROBBERY SUSPECT ARRESTED, AS HOMEMADE FIREARM IS RECOVERED
A 23-year-old robbery suspect was arrested in the city and found in possession of a homemade fire arm capable of firing.His apprehension materialized after police officers got wind of a man acting suspiciously. pic.twitter.com/jUMDOhTvtr
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) October 22, 2022
Meanwhile, the recovered items have been placed in safe custody and will be produced as exhibits.#FichuakwaDCI 0800 722 203
— DCI KENYA (@DCI_Kenya) October 22, 2022