Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dagaallo beeleed ka socdo Koonfurta dalka Suudaan ay ilaa iyo hadda ku dhinteen ugu yaraan 200 oo ruux.
Toddobaadkii hore ayay soo billowdeen isku dhacyada oo salka ku haya muran dhuleed.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in boqolaal kale ay barakaceen iyadoo la gubay guriyo iyo dukaamo.
Guddoomiyaha gobolka Blue Nile ee dalka Suudaan Axmad al-Omda Badi ayaa bixiyay amar xaalad degdeg ah.
Waxaa uu sheegay in xaaladdan degdegga ah ay ka jiraysa gobolkaasi muddo 30 cisho ah.
Sida laga soo xigtay qaramada midoobay intii u dhexeysay bilihii Koowaad iyo Sagalaad ee sanadkan dagaal beeleedyada Suudaan ayaa waxaa ku nafwaayay 546 qof halka ugu yaraan 211,000 kalena ay guriyahooda ka barakaceen.